Arsenal oo dib u soo Cusbooneysiisay Xiisaha ay u qabtay Xidiga Carlos Soler

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo cusbooneysiisay xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Valencia iyadoo kooxda reer Spain ay weli heysato dhibaatooyin dhaqaale.

Kooxda Waqooyiga London ka dhisan ayaa ku dhibtooday inay noqoto mid kamid ah kooxaha ugu adag xilli ciyaareedkaan.

Dhibaatadooda ugu weyn waxay ku timid abuurista fursado. In kasta oo ay kooxda haatan ku kala duwan yihiin khadadka dhexe oo ay inta badan ku guuldareystaan ​​in ay weeraryahannadooda siiyaan kubad feecan Mesut Ozil ayaana dhoor jeer la dalbay in dib loo soo celinayo inkastoo dhagaha laga fureestay.

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee Tottenham Christian Eriksen ayaa wali ah dookha kooxda, laakiin sida laga soo xigtay HITC , diirada Gunners ayaa loo weeciyay qeybo kale.

Warbaahinta, oo soo xiganeysa daabacaadda Isbaanishka El Desmarque , ayaa shaaca ka qaaday in kubadsameeyaha kooxda Valencia Carlos Soler uu dib ugu soo laabtay radarka kooxda.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*