Barcelona oo Qaab Xur ah ku dooneysa Xidiga Manchester City ee Sergio Aguero

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayso saxiixa weeraryahanka  Manchester City  Sergio Aguero qaab beeca xorta ah xagaagan.

Qandaraaska ciyaaryahanka reer Argentine ayaa dhacaya bisha June, taasoo la micno ah in 32 jirkaan uu kooxaha Yurub kala hadli karo ka tagista Etihad Stadium.

The Sun ayaa qortay in kooxda reer Catalan heegan la galiyay in Aguero uusan wali wax gorgortan ah la galin City isla markaana ay ku rajo weynyihiin siidii ay  kooxda reer Spain ee Atletico Madrid kaga guuleysan lahaayeen saxiixa weeraryahankan.

Kooxda heysata horyaalnimada Faransiiska Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaaryahanka City kaasoo uu haatan maamulo ninka ay isku wadanka yihiin ee Mauricio Pochettino .

Aguero, oo sagaal sano la qaatay City, ayaa kula guuleystay afar horyaal oo Premier League ah, shan EFL Cups iyo hal FA Cup intii uu ku gudajiray koobabka uu ku qaatay magaalada Manchester

Weeraryahanka, si kastaba ha ahaatee, wuxuu la dhibtoonayay dhaawac jilibka ah inta badan xilli ciyaareedkii 2020-21 wuxuuna kaliya ciyaaray sagaal jeer tartamada oo dhan illaa iyo haatan, isagoo dhaliyay kaliya labo gool.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*