Daafaca Manchester City Eric Garcia ayaa ogolaaday inuu u dhaqaaqo Barcelona

Photo/Reuters

Manchester City ayaa ogolaatay inay ka iibiso daafaca dhexe Eric Garcia kooxda Barcelona bishaan heshiis € 10m (£ 8.9m), sida lagu sheegay warbixin.

Kooxda reer Catalan ayaan qarinin rabitaankeeda ah inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain, kaasoo waqti ku qaatay qorshihiisa La Masia ka hor inta uusan ku biirin City 2017.

Garcia ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu diiday dalab qandaraas cusub ah, taasoo la micno ah inuu xor u yahay inuu la hadlo kooxo shisheeye laga bilaabo 1da Janaayo.

Mundo Deportivo ayaa sheeganeysa in City ay hada si cagajiid ah ku ogolaatay inay 20 jirkaan ka iibiso Barca, halkii ay bilaash ku waayi laheyd lix bilood gudahood.

Citizens ayaa la filayay inay 17.8 milyan ginni ay ku dooneysay da ‘yar, in kastoo ay si dhaqso ah u cadaatay in Barcelona oo dhaqaalo Xumo heysato aysan Bixin karin lacagtaasi.

Garcia ayaa kasoo muuqday todobo jeer kooxda Pep Guardiola tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*