Fabinho oo Ka Jawaabay in Mohamed Salah uu ku faraxsanahay Liverpool

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga Mohamed Salah ee Liverpool iyo wararka ku saabsan mustaqbalkiisa.

Mohamed Salah ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Barcelona iyo Real Madrid tan ilaa markii uu xiddigu diiday in uu Albaabka ka xidho ku biirista kooxaha reer Spain.

Sidoo kale waxa soo baxay warar sheegaya in uuna Mohamed Salah ku faraxsanayn kooxda Liverpool taas oo dabka ku sii shiday mustaqbalka xiddiga.

Laakiin Fabinho ayaa sheegay in wararka Mohamed Salah la xidhiidhinaya Barcelona iyo Real Madrid tahay mid iska caadi ah marka la eego in uu yahay xiddig fiican.

Fabinho oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi” Xiddigaha waaweyn ee fiican mar walba waxa lala xidhiidhiyaa koxo kale waxana jira warar badan oo xan ah”.

“Mohmaed Salah waxa uu u ciyaara Liverpool oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubada cagta waana iska caadi in lala xidhiidhiyo kooxaha horyaalada kale”.

“Anigu waxa aan aaminsanahay in uu Mohamed Salah ku faraxsanyahay waliba qaab ciyaareed fiican ku jiro, Salah waa xiddig hami leh waliba mar walba doona in uu guul gaadhsiio kooxda wxana uu ku faraxsanyahay joogista Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*