Liiska:- Real Madrid oo iibineysa 6 Ciyaaryahan si ay u hesho Kylian Mbappe

Blancos ayaa dooneysa in ay aruuriso lacag dheeraad ah si ay u soo qaadato xidiga Reer France ee Kooxda PSG

Real Madrid ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo xiddiga PSG Kylian Mbappe xagaaga, sida laga soo xigtay AS.

Blancos ayaa rajeyneysa inay uruuriso ilaa 150 million (£ 134m / $ 183m) si ay ugu maalgaliso talaabadan, iyadoo Mbappe uusan wali saxiixa u kordhinta qandaraaskiisa PSG oo dhacaya 2022.

Gareth Bale, Isco, Marcelo, Dani Ceballos, Luka Jovic iyo Brahim Diaz ayaa la sheegayaa in loo diyaariyay sidii kooxda iskaga iibin laheyd iyadoo lacagta kasoo baxda ay u isticmaaleyso Xidigan.

Xaalada Corona ayaa keentay in dhaqaalaha aduunka uu hoos u dhaco lakin Mbappe ayaa ku adkeysanaya mushaharka uu doonayo sanadkii taasi oo keentay in kooxda iibiso badi xidigaha kooxda.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*