Liverpool, Manchester United oo loo sheegay inay bixiyaan £ 100m si ay u helaan Kalidou Koulibaly’

@Reuters

Liverpool iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay bixinta £ 100m hadii ay doonayaan inay la soo wareegaan daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly .

Manchester City ayaa horay loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer Senegal ka hor inta aysan dooranin Ruben Dias oo ay kala soo wareegeen Benfica xagaagii lasoo dhaafay.

Tani waxay siisay labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester United fursad ay kula soo saxiixdaan daafaca aadka loo qiimeeyo, iyadoo  Wariyaha talkSPORT ‘ Jim White uu sheegay inay bixin doonaan lacagtaasi hadii ay doonayaan inay soo qaataan 29 jirkaan.

“Subaxaan, waxaan la hadlay Aurelio De Laurentiis , milkiilaha Napoli, waxaan ku iri bal ka warran ciyaaryahankaaga, ma jiraan dalabyo loosoo diray

“Wuu ku qoslay asagoo dhahaya ma iibineyno gabi ahaanba iib ma ahan ilaa mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee England ay la timaado £ 100m.”

Koulibaly, oo in ka badan 260 kulan u saftay Napoli, ayaa sidoo kale ciyaaray 18 jeer tartamada oo dhan ololahan.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*