Liverpool oo war kasoo saartay Mushaharka Sanadki uu dalbay David Alaba

Liverpool ayaa lagu qasbi karaa inay ka weecato u dhaqaaqista David Alaba ka dib markii Fabrizio Romano uu shaaca ka qaaday in xiddiga reer Austria uu dalbanayo mushaar aad u badan.

Reds ayaa lagu xamanayay xiddiga Bayern Munich in muddo ah, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo kaliya lix bilood ka dib.

Romano ayaa sheegay in Alaba uu dalbanayo mushaar sanadkiiba ah of 12 million (in kayar 10.8 million) – taasoo ka dhigeysa ciyaaryahanka labaad ee ugu mushaarka badan Reds ka dib Mohamed Salah.

Maaddaama laga soo xigtay ilaha Talyaaniga ee GMS, kooxda cusub ee daafaca ayaa sidoo kale ku qasbanaan doonta inay bixiso lacago xad-dhaaf ah si ay ula wareegaan heshiiskiisa.

Horaantii bishii Janaayo,  Romeo Agresti ayaa shaaca ka qaaday in labada koox ee Jurgen Klopp iyo Real Madrid ay miiska u saareen David offers 9.1 million – taas oo haatan u muuqata inay ku dhowdahay 2 million sanadkii.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*