Lucas Piazon oo lala Xiriirinayo in uu ka tagayo kooxda Chelsea

Lucas ayaa kaliya seddex kulan u saftay Chelsea heerka sare. Xaqiiqda ah in ciyaaryahanka uu labo caawinaad ka sameeyay waxa ay muujineysaa inuu xidiga uusan boos joogta ka helenin kooxda.

Sideed sano iyo todobo amaah ka dib, Piazon wuxuu ugu dambeyntii ku dhow yahay inuu joojiyo xiriirkiisa Blues.

Wiilka South America ayaa horeba heshiis ula gaadhay kooxda reer Portugal ee Sporting Braga.

Waxay u muuqan doontaa in ogeysiis rasmi ah uu hadda dhow yahay. Lucas ayaa haatan ku jira lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiiskiisa Stamford Bridge.

Isaga oo haysta ikhtiyaarka 12 bilood oo dheeri ah, Chelsea ayaa lacag ku heli karta xiddiga halkii ay bilaash ku waayi lahayd.

26 jirkaan weerarka ka ciyaara laftiisa ayaa horey u sheegay in guddiga ay doonayaan inay sii wataan amaahda si ay ugu dambeyn ugu iibiyaan si joogto ah.

Nasiib darro wuxuu hadda ku geli doonaa buugaagta taariikhda ciyaaryahan kale oo da ‘yar oo ku fashilmay inuu ka faa’iideysto awoodiisa.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*