Manchester United oo ku dhow in ay Dalab u dirto Daafac ka tirsan Kooxda Villarreal

Daafaca kooxda Villarreal iyo xulka Spain Pau Torres ayay lagu daray liiska kooxda Manchester United iyo inay macquul tahay inay lasoo saxiixato bisha Janaayo.

23 jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa ka dib markii uu ka soo laabtay amaah cajiib ah oo uu ku qaatay Malaga, Chelsea ayaana ka fiirsaneysay inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee reer Spain ka hor inta aysan go’aansan saxiixa Thiago Silva.

Haatan, sida laga soo xigtay Daily Express, Pau wuxuu ugu sarreeyaa liiska shanta daafac dhexe ee la doonayo ee ay soo diyaariyeen Ole Gunnar Solskjaer iyo gudiga kale ee kooxda.

Tababaraha reer Norway wuxuu ogyahay inay kooxdiisu sii wanaagsanaato, laakiin Ole wuxuu u baahan yahay inuu safkiisa ku soo daro xidigan

Kooxda Chelsea ayaa si joogto ah loola xiriirinayay iyadoo Frank Lampard uu doonayo in uu xoojiyo qeybta daafaca ee kooxda

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*