Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Eric Garcia oo Barcelona ku biiraya iyo Qodobo kale oo xiiso leh

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo Ama

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Manchester City ayaa ogolaatay inay ka iibiso daafaca dhexe Eric Garcia kooxda Barcelona bishaan heshiis € 10m (£ 8.9m), sida lagu sheegay warbixin. (Mundo Deportivo)

Daafaca Mareykanka Bryan Reynolds ayaa ku sii jeeda Serie A , Daafaca ayaa qarka u saaran inuu la saxiixdo Juventus , waxaana uu inta ka dhiman xilli ciyaareedka amaah kula qaadan doonaa kooxda Benevento. (Goal)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay ciyaaryahanka Shakhtar Donetsk Manor Solomon inuu yahay bartilmaameedka suuqa xagaaga. (Theguardian)

Liverpool ayaa lagu qasbi karaa inay ka weecato u dhaqaaqista David Alaba ka dib markii Fabrizio Romano uu shaaca ka qaaday in xiddiga reer Austria uu dalbanayo mushaar aad u badan. (Romano)

Blancos ayaa rajeyneysa inay uruuriso ilaa 150 million (£ 134m / $ 183m) si ay ugu maalgaliso talaabo ay ku soo qaadaneyso Mbappe iyadoo Mbappe uusan wali saxiixa u kordhinta qandaraaskiisa PSG oo dhacaya 2022. Kooxda ayaana iska iibineysa Lix ciyaaryahan oo kala ah Gareth Bale, Isco, Marcelo, Dani Ceballos, Luka Jovic iyo Brahim Diaz.

Liverpool ayaa soo celisay xiisihii ay u qabtay daafaca Sporting Lisbon Nuno Mendes sida warbaahinta ay qoreen (Goal)

Daafaca bidix ee kooxda Arsenal Kieran Tierney ayaa si lama filaan ah diirada ugu saaran kooxda Napoli ka dib markii kooxda reer Talyaani ay weyday ciyaaryahanka xilli ciyaareedkii hore, (Telegraph)

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay go, aansatay in ay diido daafaca buuxa ee Brandon Williams kaas oo amaah ugu bixi lahaa suuqa kala iibsiga bishan (Nothern Echo)

Chelsea ayaa la sheegay inay diyaarisay liis tababarayaal bedeli kara Frank Lampard, iyadoo hogaamiyaha Southampton Ralph Hasenhuttl uu ka mid yahay tababarayaashasi oo gaaraya shan (Dailymail)

Arsenal ayaa raadineysa inay iska iibiso goolhayaha keydka u ah Runar Alex Runarsson kaliya afar bilood ka dib markii ay la soo wareegeen ciyaaryahanka reer Iceland, waxaana ay isku dayayaan inay keensadaan lambar cusub, (TheAthletic)

Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa Romain Faivre – laakiin waxay loolan adag kala kulmayaan Paris Saint-Germain. (Le10 Sport)

Liverpool ayaan wax xiiso ah u qabin daafaca Sven Botman, xitaa ma tixgelineyso xiddiga Lille marka la eego suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda, ilo ka tirsan kooxda ayaa u sheegay (The Athletic).

Kevin Campbell ayaa ku booriyay Arsenal inay la soo wareegaan Emiliano Buendia wuxuuna sheegay in ciyaaryahanka Norwich City uu ku fiicnaan lahaa kooxda Mikel Arteta.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*