Aaron Ramsdale ayaa ka dulbooday Ederson iyo Hugo Lloris, waxaana uu noqday goolhayaha shanaad ee ugu mushaharka badan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib heshiiskii cusbaa ee uu maanta u saxeexay kooxdiisa Arsenal.
Goolhayha reer England ayaa waxa uu hadda kaliya ka dambeeya Jordan Pickford oo inkasta oo qandaraas cusub oo uu dhowaan u saxeexay Everton uu si weyn sare ugu qaaday mushaharkiisa, Alisson Becker oo Liverpool ah, Kepa Arrizabalaga oo Chelsea u ciyaara iyo David de Gea oo muddo dheer soo ahaa ciyaartoyga ugu mushaharka badan guud ahan horyaalka Premier League, haddana ay kaalinta labaad ku wada jiraan Erling Haaland oo kaliya uu ka horreeyo Kevin De Bruyne, waxaana uu De Gea yahay goolhayaha ugu mushaharka badan adduunyada oo dhan.
Kaddib heshiskii cusbaa ee uu maanta saxeexay, Aaron Ramsdale oo uu hore mushaharkiisu u ahaan jiray £60,000 Gini toddobaadkii aya waxa uu qaadan doonaa laba-jibbaar oo ah £120,000 Gini toddobaadkii, isaga oo noqdaya goolhayaha shanaad ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League.
Halkan kaga bogo 20ka goolhaye ee ugu mushaharka badan Premier League iyo lacagta ay qaataan
=20. Robin Olsen | Aston Villa | £50,000-toddobaadkii
=20. Neto | Bournemouth | £50,000-toddobaadkii
=20. Alex McCarthy | Southampton | £50,000-toddobaadkii
=18. Edouard Mendy | Chelsea | £55,000-toddobaadkii
=18. Stefan Ortega | Manchester City | £55,000-toddobaadkii
=16. Adrian | Liverpool | £60,000-toddobaadkii
=16. Nick Pope | Newcastle United | £60,000-toddobaadkii
15. Lukasz Fabianski | West Ham United | £65,000-toddobaadkii
=13. Vicente Guaita | Crystal Palace | £75,000-toddobaadkii
=13. Fraser Forster | Tottenham Hotspur | £75,000-toddobaadkii
=11. Keylor Navas | Paris Saint-Germain (amaah ayuu ku joogaa Nottingham Forest) | £90,000-toddobaadkii
=11. Bernd Leno | Fulham | £90,000-toddobaadkii
=8. Dean Henderson | Manchester United (amaah ayuu ku joogaa Nottingham Forest) | £100,000-toddobaadkii
=8. Hugo Lloris | Tottenham Hotspur | £100,000-toddobaadkii
=8. Ederson | Manchester City | £100,000-toddobaadkii
=5. Alphonse Areola | West Ham United | £120,000-toddobaadkii
=5. Aaron Ramsdale | Arsena| | £120,000-toddobaadkii
=5. Emiliano Martinez | Aston Villa | £120,000-toddobaadkii
4. Jordan Pickford | Everton | £125,000-toddobaadkii
=2. Alisson Becker | Liverpool | £150,000-toddobaadkii
=2. Kepa Arrizalabaga | Chelsea | £150,000-toddobaadkii
1. David de Gea | Manchester United | £375,000-toddobaadkii