Saadaasha Skysport ee Kulamada Premier league-ga ee Todobaadkii 13aad, Natiijada Chelsea Vs Manchester United, iyo Kulamada kale

Khabiirka kanaalka Sky Sports ee Jones Knows ayaa sameeyay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee Premier League iyadoo la ciyaarayo kulamo aad u xiiso badan oo laga xusi karo midka ay Chelsea Axada ku qaabilayso Stamford Bridge dhigeeda Manchester United.

Aan ku bilawnee Jones ayaa qaba in Premier League uu qalbi-jab ugu bilaaban doono Arsenal berri isla markaana ay guuldarro 2-1 ah kala kulmi doonaan kooxda Newcastle United oo Emirates Stadium kusoo booqanaysa.

Liverpool oo toddobaadkan gudihiisa laba guulood oo waaweyn Arsenal iyo FC Porto kaga gaadhay Anfield ayuu Knows qabaa inay xaaqi doonto markale Southampton oo marti u ah isla berri.

Tottenham iyo tababaraheeda Conte oo xalay UEFA Confrence League guuldarro lama filaan ah kala kulmay kooxda sagaalka sano jirta ee Mura ayuu khabiir Jones aaminsan yahay inay guul kasoo gaadhi doonaan Burnley oo ay booqanayaan.

Sidoo kale kulanka aadka u adag ee Manchester City iyo West Ham ku dhex maraya Etihad Stadium ayuu khabiirka Sky aaminsan yahay in ay Sky Blues libinta ka heli doonaan Hammers.

Kulanka toddobaadka ee Bridge ku dhex maraya Chelsea iyo Man United ayuu Jones Knows saadaaliyay in Blues ay saddexda dhibcood ka qaadan doonaan Red Devils oo uu Michael Carrick hoggaaminayo.

Saadaasha Jones Knows Ee Premier League Toddobaadka 13-aad Oo Dhammaystiran

Arsenal 1-2 Newcastle United

Crystal Palace 2-0 Aston Villa

Liverpool 3-0 Southampton

Norwich 0-1 Wolves

Brighton 2-0 Leeds

Brentford 2-0 Everton

Burnley 0-1 Tottenham

LIecester 1-1 Watford

Man City 2-1 West Ham

Chelsea 2-1 Man Unitwd

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*