Wararka Suuqa Ciyaaraha: Dejan Kulusevski, Luis Suarez, Naby Keita, Keiran Trippier, Ousmane Dembel

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Sevilla ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa khadka dhexe ee Juventus Dejan Kulusevski – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , Luis Suarez ayaa iska diiday fursad uu Alvaro Morata ugu bedeli lahaa Juventus. Corriere dello Sport 

Roma ayaa u qabatay Arsenal 72 saacadood oo kama dambays ah si ay uga soo jawaabto dalabkooda Ainsley Maitland-Niles, sida uu sheegay Sky Sport Italia .

Barcelona iyo Bayern Munich ayaa labaduba isha ku haya inay u dhaqaaqaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Naby Keita – sida laga soo xigtay El Nacional .

Keiran Trippier ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro ku biiristiisa Newcastle Arbacada – sida laga soo xigtay AS .

Real Madrid ayaa diyaarinaysa dalab dhan 40 milyan oo euro (£33m/$45m) oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ajax ee Ryan Gravenberch, ayuu yidhi Rudy Galetti .

Tottenham ayaa u furan inay ku iibiso 20 milyan oo ginni ($27m),  daafaca heerka caalami ee dalka Wales Joe Rodon sida ay sheegtay CBS Sports .

Ousmane Dembele ayaa sii joogi kara kooxda Barcelona, ​​iyadoo Mundo Deportivo ay ku warameyso in Paris Saint-Germain ay Xiiseeneyso. Mundo Deportivo

Samuel Umtiti ayaa diiday fursad uu kula xiriirin lahaa kooxda Turkiga ee Fenerbahce, sida ay ku warameyso Sport .

Ralf Rangnick u xaqiijiyay Donny van de Beek inuu fursado ka heli doono Manchester United, laakiin ESPN ayaa ku warameysa in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Holland uu weli ka fikirayo dookhiisa. 

Milan ayaa wadahadalo kula jirta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches – sida laga soo xigtay Calciomercato .

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*