Wararka Suuqa kala iibsiga: Aymeric Laporte, Frenkie de Jong, Samuel Umtiti, Philippe Coutinho, Dries Mertens, Raphinha

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Borussia Dortmund ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Angers wonderkid Mohamed Ali Cho, sida laga soo xigtay FootMercato .

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay Aqbasho heshiis is dhaafsi ah oo ku aadan Aymeric Laporte iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong – sida ay ku warameyso Mail .

Xiddiga Barcelona Samuel Umtiti ayaa ku dhawaaday inuu u dhaqaaqo Newcastle United, sida ay warineyso Sport .

Aston Villa ayaa wadahadalo kula jirta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Philippe Coutinho – sida laga soo xigtay Deportes COPE .

Daafaca Borussia Dortmund Dan-Axel Zagadou ayaa ah xidiga ay xiiseynayaan Manchester United – sida laga soo xigtay Foot Mercato .

Weeraryahanka Napoli Dries Mertens ayaa wadahadalo kula jira PSV si uu ugu soo laabto kooxda – sida laga soo xigtay Le Bombe Di Vlad .

Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa meesha ka saaray in Alvaro Morata uu ka tagi doono kooxda bishan laakiin waxa uu xaqiijiyay bixitaanka Aaron Ramsey. Goal

Alessio Romagnoli ayaan wali ka jawaabin dalabkii ugu dambeeyay ee qandaraas kordhinta Milan – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Bayern Munich ayaan qorsheyneynin inay u dhaqaaqdo xiddiga Leeds Raphinha ama Xidiga Manchester United ee Donny van de Beek sanadkan – sida laga soo xigtay Sky Germany .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*