5 Ciyaartoy oo Chelsea ah oo boos waayi kara hadii Shaqada uu qabto Thomas Tuchel

Waxay ahayd maalin weyn gaar ahaan Chelsea , maadaama tababaraha cadaadiska saaran ee Frank Lampard , oo u dagaalamayay inuu badbaadiyo shaqadiisa, ugu danbeyn la ceyriyay saacadihii dambe ee subaxnimadii Isniinta, kaliya 24 saac ka dib guushii ay ka gaareen Luton Town ee FA Cup. .

Guushii 3-1 ee isbuucaan ee FA Cup kuma filneyn inuu badbaadiyo shaqadiisa, madaama Blues ay ku jirtay masiibo xun Premier League.

Ka dib markii milkiilaha Chelsea Roman Abramovich uu go’aansaday inuu gaaro go’aanka muhiimka ah, waxay umuuqataa Thomas Tuchel inuu yahay ninka qabanaya garoonka Stamford Bridge, kadib markii lagu soo waramayo in wadahadalo la yeesheen usbuucan.

Thomas Tuchel VS Chelsea

Tababaraha Jarmalka ayaa xidigo dhoor ah daaqada ka saaraya iyadoo Thiago Silva iyo Christian Pulisic ay seeftaasi ka badbaadi karaan madama uu ku soo hogaamiyay Paris Saint-Germain iyo Borussia Dortmund siday u kala horreeyaan.

5 Marcos Alonso

4 Kepa Arrizabalaga

3 Billy Gilmour

2 Andreas Christensen

1 Olivier Giroud

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*