50kii Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Manchester United Oo La Shaaciyay

Waa kuma ciyaartoyga ugu wanaagsanaa taariikhda Manchester United? Waa su’aal jawaabteedu dood abuurayso oo uu qofba si’ u qiimaynayo ciyaartoyda uu kooxdaas kusoo arkay ama kusoo daawaday.

Laakiin jiilkii lasoo hana-qaaday horyaalka Premier League sannadkii 1992kii, ayaa ah kuwa guulaha ugu badan kooxda gaadhsiiyey ee koobabka ugu badan u qaaday, waana gar inay iyagu ugu bataan liiska ciyaartoydii ugu wanaagsanaa taariikhda Manchester United.

Intii uu horyaalku la baxay Premier League oo kasoo bilaabmaysa xilli-ciyaareedkii 1992-93, waxay Manchester United ku guuleysatay 13 jeer, waxaanay dhaaftay Liverpool oo ay hal koob ka sarrayso.

Taageereyaasha Manchester United ayaa afti kaga jawaabay su’aasha sare, waxaanay ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ku dareen George Best oo lagu tixgeliyo inuu ka mid yahay ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee Ingiriiska soo maray, Bryan Robson iyo Bobby Charlton.

Codbixin uu qaaday wargeyska FouFourTwo ayaa waxay taageereyaashu kusoo doorteen 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda, waxaana kaalinta koowaad galay xiddiga haysta rikoodhka safashada ee ugu badan Manchester United ee Ryan Giggs oo u ciyaaray 963 kulan.

Bobby Charlson oo u ciyaari jiray Manchester United intii u dhaxaysay 1953kii illaa 1973kii, ayaa kaalinta labaad soo galay, halka Bryan Robson, George Best iyo Eric Cantona ay iyaguna kaalmaha saddexaad, afraad iyo shanaad kala cidhiidhsadeen.

Waa kuwan 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa Manchester United

50. Teddy Sheringham (1997-2001)

49. Harry Greg (1957-1966)

48. Stan Pearson (1936-1954)

47. Johnny Carey (1946-1953)

46. Jaap Stam (1998-2001)

45. Tony Dunne (1960-1973)

44. Brian Kidd (1967-1974)

43. Dwight Yorke (1998-2002)

42. Andy Cole (1995-2001)

41. Arthur Albiston (1936-1954)

40. Paul Ince (1989-1995)

39. Sammy Mcllroy (1971-1982)

38. Liam ‘Billy’ Whelan (1953-1958)

37. Michael Carrick (2006-2018)

36. Paddy Crerand (1963-1971)

35. Steve Coppell (1975-1983)

34. Paul McGrath (1982-1989)

33. Brian McClair (1987-1998)

32. Ole Gunnar Solskjaer (1996-2007)

31. Edwin van der Sar (2005-2011)

30. Gary Pallister (1989-1998)

29. Norman Whiteside (1982-1989)

28. Patrice Evra (2006-2014)

27. Steve Bruce (1987-1996)

26. Martin Buchan (1972-1983)

25. Mark Hughes (1980-1986, 1988-1995)

24. Nemanja Vidic (2006-2014)

23. Dennis Viollet (1953-1962)

22. David De Gea (2011-present)

21. Nobby Stiles (1960-1971)

20. Ruud van Nistelrooy (2001-2006)

19. Bill Foulkes (1950-1970)

18. Dennis Irwin (1990-2002)

17. Tommy Taylor (1953-1958)

16. Roger Byrne (1951-1958)

15. Gary Neville (1992-2011)

14. David Beckham (1993-2003)

13. Roy Keane (1993-2005)

12. Cristiano Ronaldo (2003-2009, 2021-present)

11. Rio Ferdinand (2002-2014)

10. Paul Scholes (1991-2013)

9. Wayne Rooney (2004-2017)

8. Peter Schmeichel (1991-1999)

7. Duncan Edwards (1953-1958)

6. Dennis Law (1962-1973)

5. Eric Cantona (1992-1997)

4. Bryan Robson (1981-1994)

3. George Best (1963-1974)

2. Bobby Charlton (1953-1973)

1. Ryan Giggs (1987-2014)

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*