Haaland ayaa ka dhigay rikoor koobka champions League xaga gooldhalinta ugu dhakhsaha badan waxaana uu kaga wanaagsan yahay xidigaha kala ah Mbappe, Messi iyo Ronaldo.
Xiddiga Dortmund ayaa dhaliyey labo gool kulankii ay ka adkaadeen kooxda Sevilla lugta hore wareega 16ka uefa champions league Sanadaan kulankaan ayaa lagu dheelayey garoonka kooxda Sevilla Ramon Sanchez Pisjuan oo ay ku dheesho kooxda Reee spian ee Sevilla.
Erling Haaland ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda Champions League ee dhaliya ugu yaraan 17 gool 13-kii kulan ee ugu horreysay – laakiin halkaas kuma uusan joogsan doono marka laga hadlo bandhigiisa iyo awooda gooldhalineed ee uu leeyahy xidiga Reer Norwey.
Brousia dortmound ayaa heysata faa’iido weyn maadama meel ka baxsan gurigooda ay guul kusoo gaareen waxaana lugta labaad kooxda Sevilla isgeyn doontaa iyadoo kulanka hore laga badiyey.