Home Horyaalka Ingiriiska Liverpool oo xiiseyneysa qadka dhexe Borussia Monchengladbach Florian Neuhaus.

Liverpool oo xiiseyneysa qadka dhexe Borussia Monchengladbach Florian Neuhaus.

0

Kooxda liverpool ayaa lagu waramayaa ineey aad u xiiseyneyso qadka dhexe ee Borussia Monchengladbach Florian Neuhaus isagoona balanqaaday inuu diirada saarayo sidii uu xagaaga soo aadan uga soo muuqan lahaa kooxaha ugu waaweyn ee qaarada yurub.

Xiddiga qadka dhexe ayaa ka fogaaday inuu xiriir la yeesho kooxdiisa haatan qasan iyadoo wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa uu aad iski soo tarayo Florian Neuhaus wuxuu doortay inuusan kor u qaadin xiriirka uu la leeyahay kooxda uu haatan joogo ee Borussia Monchengladbach iyadoo ay jiraan warar xan ah oo la xiriira inuu xiriir la leeyahay Liverpool iyo meelo kale.

Hal usbuuc ka dib markii daabacaadda Jarmalka Kicker uu qoray in Liverpool ay diyaar u tahay dalab Neuhaus haddii ay dhacdo in Georginio Wijnaldum xagaagan uu isaga dhaqaaqo ciyaaryahanka khadka dhexe uu hoos u dhigay soo jeedinta maskaxdiisa laga yaabo inuu ku wareego meelaha ka baxsan Bundesliga.

23-jirkan oo hadlay ayaa yiri ma dhihi karo waxa dhici doona wixii ka dambeeya ololaha haatan socda, kaasoo u arka Monchengladbach oo ciyaareysa Champions League-ga wareega  16-a iyo sidoo kale horyaalka oo uu meel sare ka jogaan Neuhaus ayaa lagu qiimeyaa lacag dhan 40 milyan oo euro ($ 48.5m).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here