Barcelona, Paris Saint-Germain, Juventus iyo Inter ayaa dhamaantod waxa ay ku dagaalamayaan weeraryahanka xulka argetina iyo kooxda manchester city Sergio Aguero sida laga soo xigtay The Mirror.
Dhamaan afarta naadi ayaa la xiriiray wakiilada reer Argentine sida lagu heli karo madaama uu kusii dhawaanayo bilaha ugu dambeeya qandaraaskiisa uu ku joog garoonka Etihad.
Qaab free ah ayuu ku bixi kara Aguero markii la gaaro bisha Juun oo ah xilliga uu dhacayo qandaraaska manchester City iyadoona city aysan weli u soo bandhigin muddo kordhin waxana loo badinayaa xilli ciyaaredka dambe inuu bixi doono.