Home Wararka Ciyaaraha Maanta BSG iyo barcelona oo isha ku hayaan daafaca Spain iyo arsenal Hector...

BSG iyo barcelona oo isha ku hayaan daafaca Spain iyo arsenal Hector bellerin.

0

Xiisaha ay Barcelona u qabto Hector Bellerin ayaa qaboobay tan iyo markii ay la soo saxiixatay Sergino Dest, laakiin Paris Saint-Germain ayaa weli ah mid aad u jecel daafaca midig ee Arsenal sida ay werisay Daily Star.

Tababaraha kooxda Gunners Mikel Arteta ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka nadiifiyo waxyaabo badan oo suuqa kala iibsiga ah xilli uu raadinayo inuu dhiso koox awood u leh inay ku tartamaan horyaal isla markaana lacagta caddaanka ah ee iibka Bellerin ay si toos ah u gasho inay hesho ciyaartoy cusub.

Bellerin ayaa is aad ah loola xariirinayey barcelona mudooyinkii hore waloow hada ay kusoo biirtay kooxda PSG oo macquul tahay in ay la wareegto madaama uu yaraaday damicii barcelona isla markaana ay heleen xidig ku wanaagsan booskaas.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here