Xidiga ka tirsan kooxda Parma Chaka Traorè oo taariiq ka dhigay horyaalka talyaaniga.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Parma Chaka Traorè ayaa taariikh ka sameeyay Milan, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee dhashay 2004 ee saftay Serie A oo isagoo 16 jir ah kursiga keydka ka soo kacay ka dib 83 daqiiqo, isagoo isku dayaya inuu sare u qaado fursadaha Parma ee ah inuu shabaqa soo taabto 10ka nin ee Milan.

Waxa uu ciyaaray 12 daqiiqo, oo ay ku jiraan joojinta, waxaana uu fursad u helay inuu shabaqa ka soo taabto Maxime Busi, laakiin dadaalkiisa ayaa ka sarreeyay baarka Traorè wuxuu ku biiray Parma bishii Sebtember ee la soo dhaafay.

Waxa uu dhaliyay 7 gool 11 kulan oo uu u saftay kooxda Ducali ee Primavera, taasoo la micno ah hal gool 127 daqiiqo kasta Waxa uu saftay kulankiisii ugu horeysay ee Serie A shalay isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee dhashay 2004 si uu u soo muuqdo kulankiisii ugu horreeyay ee horyaalka heerka labaad ee Italy.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*