Home Horyaalka Ingiriiska juventus oo lagu soo waramayo inay xagaagan u dhaqaaqeyso saxiixa Paul Pogba...

juventus oo lagu soo waramayo inay xagaagan u dhaqaaqeyso saxiixa Paul Pogba xagaagan.

0

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto soo xerogalinta Paul Pogba oo ka tirsan Manchester United xagaagan.

Qaab ciyaareedka xidigan khadka dhexe ee dhawaanahan ayaa fure u ahaa inuu Red Devils ka caawiyo inay kor u soo kacaan miiska kala sarreynta Premier League , laakiin uma muuqato inuu xiddiga reer France heshiis cusub u saxiixi doono Old Trafford.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka qandaraaskiisa haatan ee kooxda Ole Gunnar Solskjaer wuxuu dhacayaa 2022, waxaana weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda 20ka jeer hanatay horyaalka Ingariiska.

Wakiilka Pogba, Mino Raiola ayaa dhawaan sheegay in waqtigii macmiilkiisa ee Old Trafford uu “soo idlaaday”, sida uu sheegayo saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano , sida ay qortay Calciomercato , Old Lady ayaa ku jirta dalab xagaaga ah.

Romano ayaa sheegay in kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ay ku rajo weyn tahay inay heshiis la gaari karaan madaama United aysan ku jirin boos adag oo ay kula xaajooto sababo la xiriira waqtiga dheer ee ka harsan qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe

Pogba, oo sidoo kale si joogta ah loola xiriirinayo Real Madrid , ayaa dhaliyay seddex gool seddexna wuu caawiyay 22 kulan oo uu u saftay kooxda Solskjaer xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here