Home Warar Ciyaaraha Maanta Aabaha xiddigii hore ee Liverpool oo wiilkiisa kula taliyay inuu ka tago...

Aabaha xiddigii hore ee Liverpool oo wiilkiisa kula taliyay inuu ka tago kooxdiisa cusub

0

Aabaha xiddigii hore ee Liverpool oo wiilkiisa kula taliyay inuu ka tago kooxdiisa cusub.

Liverpool ayaa Fabio Carvalho ka iibisay kooxda Brentford xagaagii lasoo dhaafay, laakiin weeraryahanka reer Portugal ayaa ku dhibtoonaya inuu fursado ka helo tababaraha Bees, Thomas Frank.

Aabaha Fabio Carvalho ayaa kula taliyay wiilkiisa inuu “ka tago” kooxda Brentford maadaama uu isku beddelay waayo-aragnimo qadhaadh oo uu la kulmo tan iyo markii uu ku biiray kooxda London.

Carvalho ayaa kooxda Bees ugu soo biiray heshiis £27.5 milyan ah oo uu uga yimid Liverpool xagaagii. Laakiin ilaa hadda heshiiskaas ma uusan shaqeyn, iyadoo Carvalho uu ku bilowday kaliya laba kulan horyaalka  Premier League xilli ciyaareedkan.

ADVERTISEMENT

Taas bedelkeeda, waxa uu door weyn ka ciyaarayaa inuu kaydka galo, inkasta oo uu laba gool oo kaliya dhaliyay 14-kii kulan ee uu saftay tartamada oo dhan. Tababaraha kooxda, Thomas Frank, ayaa xitaa ka reebay 22-jirkan kulankii ay barbaraha la galeen Everton Sabtidii.

Go’aankaas ayaa caro ku dhaliyay Carvalho, iyadoo la sheegay in Frank uusan si wanaagsan u adeegsan xiddigan. Kooxda Brentford ayaa barta Instagram-ka ku shaacisay natiijadii ciyaarta, balse aabaha Carvalho, Victor, ayaa ka jawaabay qoraalkaas si uu u muujiyo caradiisa ku aaddan fursad la’aanta wiilkiisa.

Wuxuu ku yiri: “Wiilkaygiiyow, waxaad u baahan tahay inaad ka baxdo kooxdaan.”

Inkastoo Victor uu caraysan yahay, tababaraha Brentford, Thomas Frank, ayaa hore ugu caddeeyay inuu qiimeeyo Carvalho. Waxa ugu xiisaha badnaa waqtigiisa Bees ayaa ahaa gool cajiib ah oo uu ka dhaliyay Carabao Cup kulan ay la ciyaareen Leyton Orient bishii Sebtembar.

Carvalho ayaa gool dhaliyay intaas kadibna caawin sameeyay kulankaas. Frank ayaa ciyaartaas kaddib ammaanay qaabka uu 22-jirkan ula qabsanayo nolosha kooxdiisa cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here