Home Wararka Ciyaaraha Abaalmarinta Ballon d’Or oo Caawa La Bixinayo Waxyaabaha Aad u baahantahay inaad...

Abaalmarinta Ballon d’Or oo Caawa La Bixinayo Waxyaabaha Aad u baahantahay inaad ka ogaato

0
Ad

Abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ayaa caawa la bixin doonaa, waxaana haddaba lasii ogyahay in aanay jirin cid la tartami karaysa xiddigta Barcelona ee Alexia Putellas oo ay ku guuleysanayso, hase yeeshee waxa uu dagaal ka taagan yahay midda ragga oo ay ku hirdamayaan Lewandowski, Messi, Benzema, Jorginho, Ronaldo iyo laacibiin kale, inkasta oo ay dhowaanahan soo baxayeen warar kala duwan.

Putellas ayaa wacdaro ka dhigtay garoomada xilli ciyaareedkii tegay, waxaanay kooxdeeda Barcelona u qaadday Champions League, Liga Iberdrola iyo Copa de La Reina, iyadoo dhalisay 27 gool oo uu ku jiro midkii ay saxeexday finalkii Champions League ee Chelsea ay 4-0 ku karbaasheen.

Ad

Dhinaca ragga, Robert Lewandowski oo sannadkii hore nasiib-darro ku dhacday markii la kansalay bixinta abaal-marinta Ballon d’Or oo uu ugu cadcaddaa ayaa mar kale ku tartamaya, waxaana lagu soo warramayaa inuu ku jiro saddexda ugu codadka badan ee caawa midkood la caleemo saarayo.

Xiddigaha PSG iyo Real Madrid ee Lionel Messi iyo Karim Benzema oo lagu daray Jorginho oo khadka dhexe uga ciyaara Chelsea iyo Talyaaniga ayaa iyaguna tartameyaal ah oo caawa sugaya inay natiijo ka helaan.

Xafladda Ballon d’Or ee caawa waxa kale oo lagu bixin doonaa da’yarka ugu wanaagsan oo la siin doono abaal-marinta Kopa Tropy iyo goolhayaha  ugu wanaagsan oo gacanta loo gelin doono Yashin  Trophy.

Goorma ayay bilaabmi doontaa, halkaa ayaase lagu qabanayaa xafladda Ballon d’Or?

Xafladda Ballon d’Or-ka waxa sannadkan lagu qabanayaa tiyaatarka caanka ah ee  ku yaalla magaalada Paris ee Théâtre du Châtelet, waxaanay bilaabmi doontaa marka  ay saacadda Geeska Afrika tahay 10:30pm iyadoo socon doonta illaa 12am.

Yaa kasoo muuqan doona ee lagu casuumay bixinteeda?

Halyeyga reer Ivory Coast ee Didier Drogba ayaa sannadkann lagu casuumay oo bixin doona abaal-marinta  Ballon d’Or. Laacibkan hore ugu ciyaari jiray Chelsea oo sannadkii 2007 kaalinta afraad ka galay xiddigihii ku tartamay, ayaa waxa wehelin doonta wariyaha reer France ee Sandy Heribert.

Xiddigaha ku tartamaya abaal-marinta dhinaca ragga:

Gianluigi Donnarumma (Paris Saint-Germain/Italy), Giorgio Chiellini (Juventus/Italy), Leonardo Bonucci (Juventus/Italy), César Azpilicueta (Chelsea/Spain), Rúben Días (Manchester City/Portugal), Nicolò Barella (Inter Milan/Italy), Kevin De Bruyne (Manchester City/Belgium), Jorginho (Chelsea/Italy), Luka Modric (Real Madrid/Croatia), Bruno Fernandes (Manchester United/Portugal), Phil Foden (Manchester City/England), Cristiano Ronaldo (Manchester United/Portugal), Erling Haaland (Borussia Dortmund/Norway), Harry Kane (Tottenham/England), N’Golo Kanté (Chelsea/France), Simon Kjaer (AC Milan/Denmark), Robert Lewandowski (Bayern Munich/Poland), Romelu Lukaku (Chelsea/Belgium), Riyad Mahrez (Manchester City/Algeria), Lautaro Martínez (Inter Milan/Argentina), Karim Benzema (Real Madrid/France), Kylian Mbappé (Paris Saint-Germain/France), Lionel Messi (Paris Saint-Germain/Argentina), Gerard Moreno (Villarreal/Spain), Mason Mount (Chelsea/England), Neymar (Paris Saint-Germain/Brazil), Pedri (Barcelona/Spain), Mohamed Salah (Liverpool/Egypt), Raheem Sterling (Manchester City/England), Luis Suárez (Atlético Madrid/Uruguay).

Xiddigaha haweenka ee tartamaya:

Kadidiatou Diani (Paris Saint-Germain/France),

Fran Kirby (Chelsea/England),

Jennifer Hermoso (Barcelona/Spain)

Christiane Endler (Olympique Lyon/Chile),

Christine Sinclair (Thorns FC/Canada),

Ashley Lawrence (Paris Saint-Germain/Canada),

Irene Paredes (Paris Saint Germain/Barcelona/Spain),

Jessie Fleming (Chelsea/Canada),

Lieke Martens (Barcelona/Netherlands),

Sandra Paños (Barcelona/Spain),

Vivianne Miedema (Arsenal/Netherlands),

Ellen White (Manchester City/England),

Pernille Harder (Chelsea/Denmark),

Sam Mewis (North Carolina Courage/United States),

Wendie Renard (Olympique Lyon/France),

Marie-Antoinette Katoto (Paris Saint Germain/France),

Stina Blackstenius (Hacken/Sweden),

Magdalena Eriksson (Chelsea/Sweden),

Sam Kerr (Chelsea/Australia),

Alexia Putellas (Barcelona/Spain).

Yashin Trophy

Thibaut Courtois (Real Madrid/Belgium),

Gianluigi Donnarumma (AC Milan/Paris Saint-Germain/Italy),

Ederson (Manchester City/Brazil),

Édouard Mendy (Chelsea/Senegal),

Samir Handanovic (Inter Milan),

Emiliano Martínez (Aston Villa/Argentina),

Keylor Navas (Paris Saint-Germain/Costa Rica),

Manuel Neuer (Bayern Munich/Germany),

Jan Oblak (Atlético Madrid/Slovenia),

Kasper Schmeichel (Leicester City/Denmark).

Kopa Trophy

Jude Bellingham (Borussia Dortmund/England), Jeremy Doku (Rennes/Belgium), Ryan Gravenberch (Ajax/Netherlands), Mason Greenwood (Manchester United/England), Nuno Mendes (Paris Saint-Germain/Portugal), Jamal Musiala (Bayern Munich/Germany), Pedri (Barcelona/Spain), Giovanni Reyna (Borussia Dortmund/USA), Bukayo Saka (Arsenal/England), Florian Wirtz (Bayer Leverkusen/Germany).

Previous articleMichael Carrick oo ka Hadlay Sababtii uu Keydka u dhigay Cristiano Ronaldo Kulankii Chelsea
Next articleRoy Keane Iyo Jamie Carragher oo Xalay lagu kala Qabtay Telefashinka oo Toos loo tabinayo, Ronaldo oo Sabab u ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here