AC Milan iyo Inter Milan oo isha ku haya saxiixa xiddiga Real Madrid Dani Ceballos

Kooxaha ku loolamaya horyaalka Serie A ee AC Milan iyo Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa kubad sameeyaha Real Madrid Dani Ceballos .

25-sano jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu wajihi doono mustaqbal aan la hubin garoonka Santiago Bernabeu, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos joogto ah ka helo safka hore ee Carlo Ancelotti .

Ceballos ayaa la dhibtoonayay dhaawac canqowga ah horaantii xilli ciyaareedkan, kaasoo ka dhigay inuu garoomada ka maqnaado in ka badan afar bilood, laakiin tan iyo markaas wuxuu ciyaaray kaliya 75 daqiiqo tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay El Nacional , via, Calciomercato , labada Inter iyo AC Milan ayaa si dhow ula socda xaalada ciyaaryahanka reer Spain, waxaana ay ka fiirsan doonaan inay dalab ka gudbiyaan ciyaaryahanka khadka dhexe xagaagan.

Laacibkii hore ee Arsenal amaahda uga maqan waxa kaga haray wax ka yar 18 bilood qandaraaskiisa Real Madrid, uma badna inuu saxiixo heshiis kordhin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*