AC Milan iyo Tottenham oo weli ku jira wadahadalo ku saabsan Tanganga

Waxaa socda wadahadalo u dhexeeya AC Milan iyo Tottenham oo ku saabsan daafaca Japhet Tanganga .

Wiilkaan mudnaan uma ahan tababare Antonio Conte kooxda ka dhisan London xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Tuttosport , kooxda reer Talyaani ayaa ku rajo weyn inay ku hesho heshiis amaah ah xilli ciyaareedkan.

Tanganga ayaa doonaya inuu aado halka uu si joogto ah uga ciyaari karo, halka Spurs ay doonayso inay si joogto ah u iibiso.

Kooxdu waxa ay jeclaan lahayd in la soo wareego oo ay ku jirto dib-u-iibsasho, laakiin Milan ayaa ku riixi doonta amaah iyada oo haysata ikhtiyaar ay ku iibsan karto.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*