Home Horyaalka Italy AC Milan oo bartilmaameedsaneysa Emerson-ka Barcelona si uu ugu badalaan Diogo Dalot

AC Milan oo bartilmaameedsaneysa Emerson-ka Barcelona si uu ugu badalaan Diogo Dalot

0

Sida laga soo xigtay wargayska reer Talyaani ee Tuttosport, AC Milan ayaa indhaha ku heysa daafaca dambeedka midig ee kooxda Barcelona Emerson Royal,si ay badal uga dhigaan xidiga Diogo Dalot.

Daafaca Manchester United ayaa u dhaqaaqay AC Milan heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah oo aan lahayn dookh ama waajib in ay iibsadaan. Waxaa la isku raacay inay wadahadalo cusub la furaan Manchester United haddii kooxda ka ciyaarta Serie A ay doorato inay sii joogitaankiisa joogto ka dhigato.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Manchester United ay dul dhigtay 20 milyan oo ginni daafaca, lacagtaas oo AC Milan aysan dooneynin inay bixiso.

Hadda waxaa soo if baxday in kooxda weyn ee Milan ay indhaha ku hayaan laacibka reer Brazil ee kooxda Barcelona Emerson, kaasoo haatan amaah ugu jooga Real Betis.

Emerson ayaa Barcelona uga soo dhaqaaqay kooxda Atletico Mineiro xagaagii 2019 laakiin isla markiiba waxaa loo diray Real Betis oo qayb ka ah hawlgal dhaqaale oo wadajir ah.

AC Milan ayaa u aragta ciyaaryahanka reer Brazil nin ku haboon doorka daafaca midig. Waxay u aqoonsadeen inuu yahay bedelka ugu macquulsan ee Dalot haddii heshiis uu la galo Manchester United uu fashilmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here