Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa cashar u dhigtay Juventus oo xaaladdu ku xun tahay, waxaanay soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A.
Milan ayaa jidka guusha kusoo laabatay kaddib guul-darradii Chelsea ee Champions League ee toddobaadkii hore, taas oo ay mar kale isku noqonayaan usbuucan kulankooda labaad.
Tababare Stefano Pioli ayay kooxdiisu dhoolatus iyo bandhig heersare ah ka samaysay San Siro Stadium oo ay 2-0 ku karbaashtay Juventus oo marti u ahayd, waxaana labadii qaybood ee ciyaarta min hal gool u dhaliyey Fikayo Tomori iyo Brahim Diaz, kuwaas oo saddexda dhibcood gacanta u geliyey kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A.
AC Milan ayaa yeelatay 20 dhibcood oo ay kaalinta saddexaad ku fadhiisteen. Napoli iyo Atalanta oo Axadda ciyaaraya ayaa farqiga goolasha kaga horreeya Milan, halka Juventus ay haysato 13 dhibcood.
Labada kooxood ayaa diirada saaraya inay dib ugu noqdaan Champions League Talaadada, iyadoo Milan ay gurigeeda kula ciyaari doonto Chelsea iyo Juventus oo marti ku ah Maccabi Haifa.