Ad
AC Milan iyo Nottingham Forest ayaa ka mid ah kooxaha ceyrsanaya Japhet Tanganga .
Daafacan oo ka ciyaari kara daafaca midig iyo daafaca dhexe ayaan haatan laga rabin kooxda reer London.
Ad
Tababare Antonio Conte ayaa door bidi lahaa in uu Amaah ku bixiyo ama uu iibiyo Tanganga ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga.
Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa ku waramaya in uuna jirin wax heshiis ah oo u dhexeeya Spurs iyo Forest oo ku saabsan xiddiga.
Waxa uu sidoo kale ku celceliyay in Milan aysan weli ka quusan Tanganga.
Waxay la dhacsan yihiin awoodiisa waxayna jeclaan lahaayeen inay sameeyaan heshiis, laakiin ma jiro wax dhammaad ah hadda.