AC Milan oo dooneysa inay Felipe Anderson dib ugu soo celiso Serie A

West Ham United's Brazilian midfielder Felipe Anderson reacts after missing a chance during the English Premier League football match between Sheffield United and West Ham United at Bramall Lane in Sheffield, northern England on January 10, 2020. (Photo by Oli SCARFF / AFP) / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No video emulation. Social media in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No use in betting publications, games or single club/league/player publications. / (Photo by OLI SCARFF/AFP via Getty Images)

AC Milan ayaa rajeyneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil Felipe Anderson, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Daily Mail.

Anderson ayaa haatan amaah kula jooga kooxda Porto, waxaana milkiyadiisa leh kooxda West Ham United.

Waxa uu kaliya seddex kulan u saftay tartamada oo dhan kooxda reer Portugal, waxa oo kusoo bilowday kaliya hal jeer isagoo ku guuldareystay inuu diiwaan geliyo wax goolal ah iyo caawiye.

Waxaa jiray warar xan ah oo sheegaya in West Ham ay dooneyso inay dib ugu yeerto ciyaaryahanka garabka ka ciyaara bisha Janaayo isla markaana ay si joogta ah u iibiso ka hor inta uusan qiimahiisa hoos u dhicin

Hogaamiyaasha Serie A-da AC Milan ayaa u arka Anderson in oo yahay laacib macquul ah, sida ay qortay Daily Mail.

Rossoneri ayaa ku riyaaqday xilli ciyaareed cajiib ah ilaa iyo haatan intii uu ka hoos ciyaarayay Stefano Pioli, iyadoo haatan seddex dhibcood ka sarreysa kooxda ay xafiiltamaan ee Inter Milan kaalinta labaad ku jirta halka 7 dhibcood oo ay ka sareyso kooxda heysata horyaalka ee Juventus.

Milan ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u soo bandhigto Anderson inuu ku laabto horyaalkii uu magaciisa ku sameeyay.

27 jirkaan ayaa shan xilli ciyaareed ku qaatay Lazio, isagoo dhaliyay 25 gool, waxaana uu caawiyay 28 kale oo horyaalka ah.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ku riyaaqay maalmihiisii ​​ugu fiicnaa ee Hammers intii uu ka hoos ciyaarayay Manuel Pellegrini, isagoo soo afjaray xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay isagoo ah ciyaaryahanka labaad ee ugu goolasha badan kooxda isagoo leh toban gool tartamada oo dhan, wuxuu ka dambeeyey weeraryahanka reer Austria Marko Arnautovic.

Si kastaba ha noqotee, wuxuu ku dhibtooday qaab ciyaareedka tababaraha haatan ee David Moyes, isagoo gadaal ka riixaya xiddigo ay kamid yihiin Jarrod Bowen, Pablo Fornals iyo Andriy Yarmolenko.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*