AC Milan oo dooneysa inay la soo wareegto Alexandre Lacazette bisha Janaayo.

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay dooneysa inay la soo wareegto Xidiga Arsenal Alexandre Lacazette marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

30-sano jirkaan, oo dhaliyay seddex gool 11 kulan oo uu u saftay Gunners xilli ciyaareedkan, ayaa kaliya qandaraas uu ku joogo garoonka Emirates Stadium ilaa bisha June ee soo socota.

Lacazette ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in wakiiladiisa ay bilaabeen inay eegaan fursadaha uu heli karo ka hor bisha Janaayo, markaasoo uu xor u yahay inuu la hadlo kooxo ajnabi ah.

Barcelona , Atletico Madrid iyo Newcastle United ayaa weli lala xiriirinayaa xiddiga reer France, halka Milan ay sidoo kale xiiseyneysay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Rudy Galetti , Milan ma rabto inay sugaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si ay ula soo wareegaan Lacazette, taas bedelkeeda waxay ku cadaadi doonaan inay keenaan San Siro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 68 gool waxana loo diwangeliyay 29 caawin 181 kulan oo uu u saftay Gunners tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda reer France ee Lyon bishii July 2017.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*