Ac Milan oo guul dirqi ah ka gaartay Lazio Kulan ka tiran Horyaalka Serie A

(Photo by MARCO BERTORELLO/AFP via Getty Images)

Kooxda Ac Milan ayaa Caawa guul dirqi ah ka gaartay Kooxda Lazio kulan ka tirsan Horyaalka Taliyaaniga oo marti loogu ahaa Garoonkeeda.

Xidiga Ac Milan ayaa kulan adag kala kulmay ciyaar adag oo ku dhamaan laheyd labo iyo labo inkastoo Ac Milan ay heshay gool nasiib ah labo daqiiqo ee ugu danbeeyay kuwaasi oo lagu daray.

Ac Milan ayaana heshay goolka 1aad kadib markii uu dhaliyay Ante Rebic oo kubad lasoo qaaday la helay madaxa 7 daqiiqo kadib milan ayaa hogaanka sii dheereesatay kadib markii xidiga Hakan Calhanoglu uu dhaliyay gool rigoore ah.

Kooxda Lazio oo kulankan soo bandhigtay ciyaaro xiiso leh ayaa goolka hore heshay daqiiqadi 28-aad kadib kubad rigoore ah oo goolhaya soo baxshay uu madaxa ku celiyay xidiga Luis Alberto ciyaarta ayaana qeybta hore lagu kala nastay 2-1.

isku soo laabadka ciyaarta kooxda Lazio ayaana heshay goolka bar-bardhaca daqiiqadii 59-aad kadib markii xidiga Ciro Immobile uu dhameystiray kubad loosoo qaaday.

Kooxda Ac milan ayaan heshay goolka guusha daqiiqadii 90+2 aad ee ciyaarta waxana gool muhiim ah u saxiixay Theo Hernande iyadoo guud ahaan ciyaarta ku soo dhamaatay 3 iyo 2.

Guusha Ac milan ayaa ka dhigan in ay dib ugu laabato Hogaanka horyaalka iyagoo ku haya hal dhibic oo kaliya waxana kulanka xiga ay la ciyaaridoonaan kooxda Juventus.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*