Ac Milan oo guul ka gaartay Kooxda Sassuolo siina xajisay Hogaanka Horyaalka Taliyaaniga ee Serie A

Kooxda Ac Milan ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Sassuolo oo lagu ciyaarayay gurigeeda wareega 13-aad ee Horyaalka Taliyaaniga ee Serie A,

Goolal ka kala yimid Xidigaha Rafael Leão iyo Alexis Saelemaekers ayaa Ac Milan ugu filnaa in ay booskeeda hogaanka horyaalka sii adkeyso.

Ac Milan ayaana goolka ugu horeeya heshay Daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu shabaqa ku hubsaday Rafael Leão  oo kubad caawin ah ka helay Hakan Calhanoglu Kooxda ayaa heshay goolka labaad ee ciyaarta isla qeybta hore Alexis Saelemaekers ayaana goolka labaad xaqiijiyay daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta isagoo caawin ka helay Theo Hernández.

Sassuolo ayaana heshay goolka Calanka daqiiqadii 89-aad waxana u saxiixay xidigeeda Domenico Berardi

Kooxda Ac milan ayaa hada fashisa booska ugu sareya horyaalka iyagoo leh 31 dhibcood iyagoo ciyaaray 13 kulan halka Sassuolo ay fadhiso booska lixaad iyagoo leh 23 dhibcood.

Rossoneri ayaa ciyaaridoonta kulankeeda labaad 23 bisha iyagoo soo dhaweenaya kooxda Lazio

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*