AC Milan oo isku dayaysa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto Luka Jovic

Photo/Reuters

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhigtayflop-ka Real Madrid Luka Jovic mid ka mid ah bartilmaameedyadeeda mudnaanta u leh suuqa kala iibsiga xagaaga.

22 jirkaan ayaa dhaliyay kaliya labo gool 32 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu kaga soo biiray Madrid kooxda Eintracht Frankfurt qiimo dhan € 60m (£ 52.4m) bishii Juun 2019.

Jovic ayaa ku soo bilowday seddex jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana loo badinayaa inuu ka tago Bernabeu sanadka soo socda.

Sida laga soo xigtay TodoFichajes , Milan ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka reer Serbia bisha Janaayo.

Jaaleyaasha Serie A-da ayaa la sheegayaa inay suuqa ka raadinayaan booska Zlatan Ibrahimovic qof buuxiya marka uu dhaawac soo gaaro.

Si kastaba ha ahaatee, isla warbixinta ayaa tilmaameysa in Milan aysan heysan lacag ay si toos ah ugu iibsato Jovic taa badalkeedana ay rajeyneyso inay amaah waqti gaaban ah ku qaadato.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*