Home Wararka Ciyaaraha Ac Milan oo ku biirtay Tartanka loogu jiro daafaca Lille ee Botman

Ac Milan oo ku biirtay Tartanka loogu jiro daafaca Lille ee Botman

0
Ad

AC Milan ayaa ku jirta kooxaha xiiseenaya saxiixa daafaca Lille Sven Botman .

Xidigan ayaa bartilmaameed muhiim ah u ah kooxda heysata horyaalka Talyaaniga, iyadoo ay wehliyaan kooxda Premier League ka ciyaarta ee Newcastle United .

Ad

Sida laga soo xigtay Football Insider , Newcastle ayaa dooneysay Botman dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, 24-kii saac ee lasoo dhaafay Milan ayaa kusoo baxday safka hore ee saxiixiisa.

Inkasta oo Newcastle ay kaga gudbi karto kooxda Serie A ka dhisan dhaqaale sare, Botman wuxuu doonayaa inuu ku biiro Milan.

Lille waxay tixgelin doontaa aragtida ciyaaryahanka, laakiin waxay ku dooneysaa ugu yaraan 30 milyan ginni.

Previous articleMorata oo go’an ka gaaray hadii uu ku biirayo kooxda Arsenal
Next articleOusmane Dembele oo ku sii dhawaanaya Chelsea, Xili Tuchel uu qaatay go’an Feecan oo ku aadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here