
AC Milan ayaa kusoo biirtay tartanka loogujiro daafaca dhexe ee kooxda Chelsea Andreas Christensen.
25-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaagan, wuxuu diiday qandaraas kasta oo miiska u saaran kooxda heysata Champions League.
sida laga soo xigtay majaladda Talyaaniga ee Calciomercato , AC Milan ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee kor u qaadaysa xiisahooda Christensen, kaasoo xor u ah inuu la hadlo kooxo ajnabi ah bishaan oo uu saxiixo heshiis horudhac ah ka hor inta uusan u dhaqaaqin xagaaga.
Si kastaba ha ahaatee, majaladda ayaa sidoo kale sheegeysa sida ay kooxaha sida Atletico Madrid iyo Bayern Munich isha ugu hayeen inay u dhaqaaqaan daafaca, kaasoo saftay 13 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.
Haddii uu u dhaqaaqo Italy, Christensen waxa uu la xidhiidhi doonaa saaxiibkiisii hore ee Chelsea Fikayo Tomori , kaasoo xagaagii hore si joogto ah ugu biiray kooxda Stefano Pioli .
Be the first to comment