Ac-Milan oo lagu qabtay bar-bar dhac kulankeeda 4 aad oo ka tirsan Horyaalka Taliyaaniga

Kooxda Ac-Milan ayaa lagu qabtay bar-bardhac 2 iyo 2 ah kulan ka tirsan Horyaalka Taliyaaniga ee Serie A oo lagu ciyaaray Garoonka Kooxda Genoa Luigi Ferraris Stadium.

Xidiga Matti Destro ayaa goolashada labada ah ka dhaliyay kooxda Ac-Milan isagoo goolka hore dhaliyay daqiiqadii 47-aad goolkaasi ayaana lagu kala nastay qeybta hore.

isku soo laabashada ciyaarta ayaa kooxda Ac-Milan waxaa u suura gashay goolka bar-bar dhaca waxana daqiiqadii 52 aad u saxiisay Davide Calabria lakin 8 daqiiqo kadib waxaa mar kale shabaqa kasoo taabtay Matta Destro oo ahaa xidiga Garoonka.

Kooxda Ac-milan ayaana u suura gashay in goolka labaad iska keento daqiiqadii 83 aad waxana u saxiixay Pierre Kalulu iyadoo ciyaarta ku soo idlaatay 2 iyo 2.

Ac-Milan ayaa Hogaanka horyaalka ku heysa hal dhibic oo kaliya madama kooxda inter milan ay gaartay guul muhiim, Kooxda Ac-Milan ayaa lugta labaad waxay la ciyaaridoontaa Sassuolo 20 bisha.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*