AC Milan oo Liverpool kula tartameysa Aguibou Camara

Kooxda Ac Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay dagsatay saxiixa da,yarka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Olympiacos ee Aguibou Camara kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo kooxda Liverpool .

20-sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu u safto Guinea koobkii ugu horeeyay ee caalami ah bishaan, ka dib markii uu boos ka helay xulka isagoo u saftay sagaal kulan oo waaweyn.

Afar gool iyo in ka badan caawin 14 kulan oo uu saftay Greek Superleague xilli ciyaareedkan ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah, kaliya lix bilood oo uu xirfadiisa ciyaareed ku soo qaatay Olympiacos, da’yarka ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo kooxo kale.

Ilo Talyaani ah oo lagu magacaabo Calciomercato ayaa ku warramaya in AC Milan ay ku biirtay Liverpool si ay u muujiso xiisaha ay u qabto Camara, kaasoo ay u badan tahay inay qiimo sare ku qiimeyso camaaliqada Giriigga iyadoo afar sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Guinea ayaa ku guuleystay shan gool afarna caawiye ka ahaa 25 kulan oo uu u saftay Olympiacos tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay ee kooxda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*