AC Milan Oo Meesha Ka Saartay Inay U Dhaqaaqeyso Xiddiga Chelsea Olivier Giroud.

Photo/Reuters

Kooxda Serie A ka dhisan ee AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay meesha ka saartay inay u dhaqaaqeyso weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud iyadoo ka doorbideysa ciyaaryahan da ’yar.

In kasta oo uu bilaabay inuu ciyaaro kulamo badan oo kooxda Macalin Frank Lampard hadana, mustaqbalka Giroud ee Stamford Bridge ayaa weli ku jira mugdi isagoo ku bixi kara suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

34 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu galo lixda bilood ee ugu dambeysa qandaraaskiisa kooxda Chelsea, Giroud ayaana loo saadaalinayaa inuu u dhaqaaqayo Italy iyadoo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa xiga.

Si kastaba ha ahaatee, Tuttosport ayaa sheeganeysa in Milan aysan dooneynin inay lasoo wareegto ciyaaryahankii hore ee Arsenal inkastoo ay xiiseyneysay bilowgii Giroud.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in Rossoneri ay raadineyso inay heshiis la gaarto weeraryahan da ’yar, iyadoo Stefano Pioli wali ku tiirsan yahay Zlatan Ibrahimovic , kaasoo weli qaab ciyaareed fiican ku jira laakiin 40 jirsanaya sanadka soo socda.

Giroud ayaa shabaqa soo taabtay sideed jeer tartamada oo dhan Chelsea xilli ciyaareedkan, kuwaasoo kulanka xigga wajihi doona London Derby West Ham United fiidnimada Isniinta.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*