AC Milan oo u dhaqaaqi doonta daafaca dambeedka midig ee Bologna Aaron Hickey

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameedka mustaqbalka u aqoonsatay daafaca dambeedka midig ee Bologna Aaron Hickey .

19-sano jirkaan ayaa ka tagay Hearts kuna biiray Bologna sannadkii hore heshiis loo maleynayayo inuu ku kacayo 1.5 milyan ginni, waxaana uu ku riyaaqay bilow wanaagsan ololaha 2021-22.

Da’yarka reer Scotland ayaa dhaliyay labo gool 10 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana qaab ciyaareedkaas la fahamsan yahay inuu soo jiitay indhaha kooxda AC Milan.

The Daily Record ayaa sheegay in kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga u aragto Hickey badalka Theo Hernandez , oo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo kooxaha Real Madrid.

Aston Villa iyo Celtic ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inay xiiseynayaan inay Hickey dib ugu celiyaan UK, inkastoo qiimaha Bologna la filayo inuu aad ugu sarreeyo kooxda Glasgow.

Bologna ayaa madaxa Hickey dul dhigtay 7 milyan ginni ka hor qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan, waxaana hadda la filayaa inay dalbato lacag intaas ka badan ka hor inta aysan ku fikirin inay iibiso

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*