Adrien Rabiot oo ka jawaabay wararka xanta ah ee ah inuu ka tagayo Turin xilli ay xiiseynayaan kooxo badan oo Yurub ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Adrien Rabiot ayaa ka jawaabay wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu ka tagayo Turin xilli ay xiiseynayaan kooxo badan oo Yurub ah.

Rabiot ayaa u muuqday mid ku biiraya Manchester United xagaagii, ka hor inta aan la sheegay in dhaqaaqa uu burburay sababo la xidhiidha mushaharka ciyaartoyga.

Natiijo ahaan, xiddiga reer France ayaa ku haray Juventus, halkaasoo uu door muhiim ah ka ciyaaray xilli ciyaareedkan, isagoo diiwaan geliyay shan gool iyo labo caawin 16 kulan oo uu saftay.

Inkastoo uu yahay shaqsi caan ka ah kooxda Massimiliano Allegri , Rabiot ayaa mustaqbalkiisa Turin u muuqda mid aan la hubin, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyadoo aan weli heshiis cusub la gaarin, Rabiot ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Chelsea , Liverpool , Tottenham Hotspur iyo Real Madrid .

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sidoo kale soo jeedisay in hogaamiyayaasha Premier League ee Arsenal ay sidoo kale ka fikirayaan inay ku biiraan tartanka loogu jiro 27 jirkaan.

Isagoo ka jawaabaya wararka la isla dhexmarayo, Rabiot ayaa u sheegay La Republica : “Ma garanayo mustaqbalkayga, ma aqaano haddii aan sii joogi doono Juventus, lama joogo waqtigii laga hadli lahaa.

“Waa hubaal in qaab ciyaareedkii ugu dambeeyay ay iga caawinayaan in aan aado meel kale ama aan ka hadlo heshiis cusub oo aan Juventus la galayo”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*