Home Warka Xiisaha Leh Afar ciyaaryahan oo kanTirsan Manchester United oo isku dhacay ka dib..

Afar ciyaaryahan oo kanTirsan Manchester United oo isku dhacay ka dib..

0

Afar ciyaaryahan oo Manchester United ah ayaa lagu soo waramayaa inay isku dhaceen ka dib guuldarradii 3-1 ee Sabtidii ka soo gaartay Brighton.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa la garaacay markii seddexaad shan kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan, iyadoo goolasha ay kala dhaliyeen Danny Welbeck, Pascal Gross iyo Joao Pedro ay ku filnaadeen inay guuldarro dhabarka u saariyeen kooxdii martida loo ahaa.

Man United ayaa garoonkeeda si dhab ah loogu jiid-jiiday, sida ay sheegtay jariirada The Sun waxa uu dagaal ka dhex dhacay qolka labiska ka dib ciyaarta.

Warbixin cusub oo la daabacay xalay oo Isniin aheyd ayaa sheegtay in ay jiraan laba isku dhac oo kala duwan

Kabtan Bruno Fernandes ayaa la sheegay inuu la dagaalay xiddiga ay iska garab ciyaarayeen ee Scott McTominay halka daafaca dhexe Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof ay is qabteen.

United oo haatan ku jirta kaalinta 13-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League ayaa Arbacada la balansan kooxda Bayern Munich kulanka furitaanka wareega group-yada Champions League.

Isku dhaca ciyaartoydaan ayaa ah fowdadii ugu danbeysay ee kooxda hareysa ka dib markii ay isku dhaceen Jadon Sancho iyo tababare Erik ten Hag.

Waxaa sidoo kale ay kooxda la daala dhaceysaa dhaawacyo xiriir ah halka Antony kooxda laga fasaxay madaama ay ku socoto dacwad ah inuu hablo u geystay xadgudub jinsi ah.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah 19-ka September
Next articleMartin Odegaard oo ku amaanay Aaron Ramsdale qaabkii uu uga fal celiyay David Raya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here