Tiro ciyaartoyda kooxda koowaad ee Real Madrid ah ayey qandaraasyadoodu dhamaanayaan xagaaga, waxaana lagu soo warramayaa in kooxdu ay wali ku qancin kari la’dahay inay heshiisyo cusub saxeexaan oo ay sii joogaan Santiago Bernabeu.
Ciyaartoydan ayaa waxa ka mid ah Nacho Fernandez oo ah jookarka difaaca ee boosaska badan ka ciayara, Marco Asensio, Dani Ceballos, Toni Kroos iyo Luka Modric, inkasta oo xaaladda labada ruug-caddaa ee dambe ay ka duwan tahay ciyaartoyda kale.
Modric ayay kooxdiisu u bandhigtay heshiis cusub, balse waxa jira dalabyo uu ka helayo horyaalka Sucuudiga oo uu lacag badan ku xoogsan doono, waxaana uu 37 jirkani go’aanka kooxdiisa cadayn doonaa toddobaadyada soo socda. Sidoo kale, Toni Kroos ayaa doonaya inuu ka fadhiisto kubadda cagta balse waxay kooxdu ku dedaalaysaa in ay ku qanciso inuu sii ciyaaro maadaama ay da’diisu tahay 33 jir.
Saddexda ciyaartoy ee kale ayaa leh mustaqbal fiican oo ay kubadda cagta ugu sii jiri doonaan, waxaana Los Blancos ay hadda ku dedaalaysaa inay sii haysato kubbad-sameeyaha reer Spain ee Dani Ceballos oo tamar cusub kusoo kordhiyey khadka dhexe ee kooxdiisa xilli ciyaareedkan.
Sida ay sheegtay jariidadda Fichajes, afar kooxood oo waaweyn oo reer Yurub ah ayaa doonaya inay la saxeexdaan 26 jirkan, waxaana ka mid ah Atletico Madrid iyo Real Betis.