Afarta Macalin ee ugu feecan Horyaalka Premier League bisha November oo lagu dhawaaqay

Maamulka horyaalka Premier League ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska afar macalin oo ku tartami doona abaalmarinta tababarihii ugu fiicnaa horyaalkaas bishii ina dhaaftay ee November.

Afarta tababare ee tartami doona ayaa kala ah Ole Gunnar Solskjaer oo Man United ah, dhigiisa Chelsea ee Frank Lampard, Jose Mourinho oo Tottenham ah iyo David Moyes oo wakhti fiican ku qaadanaya West Ham United.

Jose Mourinho ayaa afar kulan oo bishaas ah saddex guulood iyo hal bar-bardhac u keenay Tottenham waxaana kamid ahaa kulan ay guul 2-0 ah kasoo gaadheen Man City iyo bar-bardhac 0-0 ah oo ay Chelsea lasoo galeen.

Moyes ayaa dhammaan saddex kulan oo bishaas ah soo guuleystay iyadoo kooxdiisa West Ham United ay guulo kasoo gaadhay Fulham, Sheffield United iyo Aston Villa.

Dhinaca Ole Gunnar Solskjaer, tababaraha ree Norway ayaa afar kulan oo uu bishaas hoggaamiyay kooxdiisa saddex guulood iyo hal guuldarro lasoo kulmay, guuldarradii Arsenal ayay kaga soo kabteen guulo waaweyn oo ay ka gaadheen Everton, West Brom iyo Southampton.

Ugu dambayn, Frank Lampard ayaa Chelsea layliyay saddex kulan bishaas waxaana ay soo guuleysteen kulamadii Sheffield United iyo Newcastle United halka ay bar-baro lasoo galeen Tottenham.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*