Tababaraha Talyaaniga ah ee Carlo Ancelotti ayaa iska diiday inuu Lionel Messi u aqoonsado ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, waxaana uu si cad u sheegay in aan marnaba kalmaddaas laga maqli doonin afkiisa.
Carlo Ancelotti oo la hadlayay saxaafadda ka hor ciyaarta Real Valladolid ayaa waxa laga weydiiyey arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan Karim Benzema, Lionel Messi, Eden Hazard iyo wax ka jira shaqada xulka qaranka Brazil ee lala xidhiidhinayo.
Tababaraha Real Madrid ayaa yidhi: “Karim Benzema waxa uu kasoo laabtay fasax, maarkii uu yimidna aad buu u fiicnaa. Waxa uu la shaqaynayay kooxda, qayb ayaanu ciyaaray kulankii saaxiibtinimo. Waxay ila tahay inuu muujin doono tayadiisa.”
Waxa kale oo Ancelotti la weydiiyey shaqada xulka Brazil ee lala xidhiidhinayo, waxaanu ku jawaabay: ‘Haddii ay i xiisaynayaan, aniga ilama aanay soo hadal, haddii ay taasi jirtana way ila soo xidhiidhi lahaayeen. Aniga xaaladdaydu way caddahay; wali halkan ayaan joogaa, mana doonayo in aann marnaba u sheego Madrid in uu safarkaygani dhamaaday.”‘
Xiddiga Belgium ee Eden Hazard iyo xiddiga Argentina ee Lionel Messi ayaa iyagana wax laga weydiiyey, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan arkaa in Hazard uu wanaagsan yahay, tababarkan wuu qaadanayaa. Waxay ila tahay in uu hadda ka fiican yahay sidii uu ahaa Koobka Adduunka ka hor. Shaqo fiican ayuu soo qabtay, waanan isticmaali doonaa kooxdayda oo dhan.
“Aniga way igu adag tahay in aan idhaahdo Messi ayaa ugu wanaagsan taariikhda, mana garanayo haddii uu yahay midka ugu wanaagsan taariikhda. Caddaalad ma aha in aan idhaahdo sidaas, sababtoo ah waqti kasta waxa uu leeyahay ciyaartooyo wanaagsan. Aniga afkayga ksoo bixi mayso in Messi yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda, sababtoo ah waxa aan kusoo raaxaystay ciyaartooyo baadan oo wanaagsan… waxa aan maalin walba tababaraa ciyaartooyo ku guuleystay Balllon d’Or. Waxa kale oo aan soo arkay Cruyff iyo Maradona oo ciyaaraya.”