Agaasimaha AC Milan Maldini oo qirtay inuu jecel yahay bartilmaameedka Newcastle ee Botman

Agaasimaha AC Milan Paolo Maldini ayaa qirtay inuu jecel yahay daafaca Lille Sven Botman.

Botman ayaa diirada u saaran Milan iyo Newcastle bishaan.

Maldini ayaa yiri, “Nasiib darro, nafteena lama barbar dhigi karno Silvio Berlusconi, kaasoo la soo wareegi kara ciyaartoyda ugu fiican adduunka.

“Botman waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, waxaa iska leh Lille , waxaana uu qandaraas kula jiraa ilaa 2024. Ma ahan daafaca kaliya ee wanaagsan, laakiin dhaawaca Simon Kjaer ayaa la macno ah inaan u baahanahay daafac.

“Haddii aan ku helno daafaca amaah lix bilood ah ama aan soo iibsano mid sannadaha soo socda waa arrin kale, waxaan u baahanahay inaan qiimeyno nooca ciyaaryahan iyo qiimihiisa.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*