Home Wararka Ciyaaraha Agaasimaha Bayern Munich oo ka hadlay wararka xanta ah ee Leroy Sane...

Agaasimaha Bayern Munich oo ka hadlay wararka xanta ah ee Leroy Sane uu ku biiri karo Manchester United

0

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa ku adkaystay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Leroy Sane uu ku biiri karo kooxda Man United ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mustaqbalka 26-sano jirkaan ee Allianz Arena ayaa su’aal la geliyay suuqa hadda jira, waxaana warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in Man United ay dooneyso inay sahamiso suurtogalnimada ay ku keeni karto Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, mar wax laga weydiiyay wararka xanta ah, agaasimaha ciyaaraha ee Bayern ayaa sheegay in Sane uu “ciyaaryahan muhiim u yahay” kooxda, islamarkaana uusan u wareegi doonin kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska.

“Ma jirto wax run ah taas. Isagu waa ciyaaryahan muhiim noo ah,” Salihamidzic ayaa u sheegay Sky90 . “Ma jirto wax la yiraahdo taas gabi ahaanba.”

Sane ayaa si xoogan ku bilowday xilli ciyaareedka 2022-23 kooxdiisa Jarmalka, isagoo dhaliyay hal gool, labo kulan oo uu saftayna sameeyay hal caawin.

Previous articleWest Ham 0-2 Manchester City: Haaland oo laba gool u dhaliyay kooxda heysata horyaalka Premier league-ga
Next articleJoan Laporta oo ka hadlay go’anka ugu danbeeya ee ku aadan Frenkie de Jong”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here