Agaasimaha Borussia Dortmund Michael Zorc ayaa beeniyay wararka xanta ah ee sheegaya in Jude Bellingham uu ka tagayo Signal Iduna Park.
Da’yarkii hore ee Birmingham City ayaa soo jiitay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan ku soo laabashada England iyadoo kooxaha Premier League Liverpool , Chelsea iyo Manchester United dhamaantood la rumeysan yahay inay xiiseynayaan 18 jirkaan.
Bellingham ayaa ololahan si xoogan ugu bilaawday kooxda Marco Rose , isagoo u dhaliyay saddex gool, wuxuuna caawiyay lix gool 13 kulan oo uu saftay Bundesliga iyo Champions League.
Ka dib markii uu xiddiga Ingariiska meesha ka saaray wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo Anfield, agaasimaha Dortmund, Zorc, ayaa hadda ku daray faallooyin dheeraad ah oo ku saabsan mustaqbalka da’yarta, isagoo u sheegay BILD: “Bellingham wuxuu qaatay go’aan miyir leh oo uu ku taageerayo Borussia iyo fikradda aan u soo bandhignay isaga. Horumarkiisa Dortmund aad ayuu uga fog yahay wararka socda.
Bellingham ayaa kaliya hal gool dhaliyay 29 kulan oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkii hore, sidaas darteed da,yarka ayaa horeba uga fiicnaaday xaaladaas ololahan isaga oo laba gool dhaliyay 10kii kulan ee ugu horeeyay.
Tan iyo markii uu Jarmalka ka yimid Birmingham 2020, Bellingham wuxuu dhaliyay 7 gool wuxuuna diiwaan geliyay 10 caawin 62 kulan oo uu u saftay kooxda.