Agaasimaha ciyaaraha Liverpool ee Julian Ward oo ka tagaya Kooxda Reds

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Liverpool Julian Ward ayaa go’aansaday inuu isaga tago kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan, bilo uun kadib markii uu bedelay Michael Edwards.

Ward ayaa si rasmi ah ugu guulaystay Edwards xagaagii ka dib markii laga soo dalacsiiyay kaaliyaha agaasimaha ciyaaraha, in kasta oo uu hogaaminayay qorista Liverpool ee Luis Díaz iyo Darwin Núñez ka hor markaas isagoo ka shaqaynayay door hogaamineed ku meel gaar ah.

Go’aanka 41-jirkan ayaa naxdin iyo niyad-jab ku noqday Liverpool oo hadda ka fikiraysa inay sii wadato qaabkii agaasimaha ciyaaraha ee markii ugu horreysay la soo bandhigay Edwards sannadkii 2016.

Jürgen Klopp, kaasoo jecel hab-dhismeedka agaasimaha ciyaaraha, isla markaana aad isugu dhowaa.

Labada Edwards iyo Ward, ayaa door muhiim ah ku yeelan doona go’aaminta sida hawlaha kubbadda cagta Liverpool loo maamulayo dhammaadka xilli ciyaareedka. 

Madaxa fulinta, Billy Hogan, ayaa sidoo kale ku lug yeelan doona go’aanka kama dambaysta ah ee u horseedi kara Liverpool inay sii waddo habaynta hadda jirta oo ay yeelato agaasime isboorti oo saddexaad muddo sannad ka badan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*