Home Warar Ciyaaraha Maanta Agaasimaha guud ee Milan Giorgio Furlani oo si adag albaabka uga xidhay...

Agaasimaha guud ee Milan Giorgio Furlani oo si adag albaabka uga xidhay wax kasta oo ay Barcelona ku xamanaysay Rafael Leao.

0

Agaasimaha guud ee Milan Giorgio Furlani ayaa si adag albaabka uga xidhay wax kasta oo ay Barcelona ku xamanaysay Rafael Leao.

‘Boqolkiiba Boqol waa uu sii joogayaa xilli ciyaareedkan, waa sida uu yidhi Agaasimaha.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray hadal heyn ku aadan in Blaugrana ay qaab cajiib ah u sameyn karto saxiixa xiddiga reer Portugal.

Qandaraaskiisa waa la burburin karaa, laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu ku kacayo €175 milyan.

Su’aal laga waydiiyay El Chiringuito TV ayaa ahayd suurtagal ma tahay in Leao uu u ciyaaro Barcelona xilli ciyaareedkan?

Agaasimaha ayaa bixiyay jawaab cajiib ah wuxuuna yidhi.

“Maya. Suurtagal ma aha.”

“Xaqiiqdii, boqolkiiba Boqol wuu sii joogaya oo meelna uma socdo.” Ayuu yidhi.

Tan ayaa ka dhigaysa in Leo uu sii joogayo Kooxda xilli Barca ay rajo ka qabto xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here